daajis.com:- Go’aankii lama filaanka ahaa Geesinimadana xambaarsanaa ee uu kudhaqaaqay Orodyahanka caanka ah ee Feyisa Lelisa ayaa noqday warka ugu xiisaha iyo Hadal haynta badan ee warbaahinta caalamku 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay qaadaa dhigaysay.
Ficilka Feyisa ayaa hal mar ah soo Jiitay Indhaha saxaafada kadib markii uu Gacmihiisa oo isa saaran uu madaxa dul dhigay, isaga oo muujinaya dareenkiisa cadhada xambaarsan ee kadhanka ah maamulka cunsuriga ah ee kooxda TPLF, waxayna Talaabadaasi keentay in warbaahinta aduunku kusoo xoomto meel kastana uu kadhaco warka Orodyahan Feyisa Lelisa, taasi oo kadhigtay warkii ugu xiisaha badnaa ee Todobaadkan.
Ficilka Lelisa ayaa dhan dhan siiyeeshay kadib markii uu Afka furtay banaankana soo dhigay xaqiiqda kajirta Itobiya isaga oo sidoo kalan baahiyay xogta xasuuq ee ciidamada Woyanuhu kuhayaan shacabka Oromada ee uu kasoo Jeedo Orodyahan Feyisa, waxaana uu cadeeyay in ciidanka Woyanuhu Qudha kajareen shacab kabadan Kun oo kasoo jeeda Qomiyada Oromada, Halka Kumanaan kun oo kale oo Qaraabadiisu kujirtana ay xabsiyada kabuuxaan.
Warka ayaa sidoo kale sii Laba kacleeyay markii uu sheegay in isaga xitaa ladilayo hadii uu dalka kunoqdo Lacala hadiiba aan ladilina xabsiga loo Taxaabi doono, Ficilka uu kudhaqaaqay iyo Qeexista kadambaysay ee uu sameeyay Feyisa Lelisa, ayaa caalamka u noqotay sidii war laga helay duni cusub oo aan horay loo aqoon waxaana faafiyay warka Orodyahanka in kabadan 200-Warside iyo inta badan Telefeshinada caalamka ugu Af dheer.
Faalaynta iyo Falanqaynta laga bixiyay Talaabada uu qaaday Feyisa Lelisa ayaa lagu sheegay mid dhulka lagalaysa siyaasadii Hogaanka kooxda TPLF, taasi oo mar kaste waxaan jirin sheegta caalamkana u muujisa dimuquraadiyad aan laga aqoon dalka Itobiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:00 and have
, Published at