daajis.com:- Waxaa maanta weerar xoogan lagu qaaday xero ay degan yihiin ciidanka Booliska magaalada bariga ku taal ee Cizre ee dalka Turkiga.
Weerarkan ayaa la sheegayaa inay ku geeriyooudeen ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Turkiga, waxaana loo adeegsaday qaraxa gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, Qarax labaad ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay nawaaxiga xarunta kaydka ee militariga ee isla magaaladaasi Cizre.
Magaalada Cizre oo u dhaw xaduuda wadanka Turkiga la wadaago dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa waxaa ku badan Qawmiyada Kurdida, waxaana horey magaaladaasi bilihii lasoo dhaafay uga dhacay iska horimaadyo u dhaxeeya taageerayaasha kooxda PKK iyo ciidamada amaanka ee dalka Turkiga.
Qaraxan ayaa lala beegsaday ciidamada Turkiga xili dowlada Turkiga ay ciidamadeeda u dirtay gudaha wadanka Siiriya, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Turkiga ee hada gudaha ugalay Siiriya ay sidoo kale la dagaalameen xoogaga Kurdida ee ka dagaalama dalka Siiriya ee loo yaqaa YPG oo ku sugnaa goobaha ku dhaw magaalada Jarablus oo ay shalay ciidamada Turkiga xoog uga saareen kooxda Daacish.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at