Daawo : Gabadh Caan ah oo Inay Geeriyootay la moodayey oo Fariin soo dirtay Iyadoo u xidhan Kooxda Daacish

Daawo : Gabadh Caan ah oo Inay Geeriyootay la moodayey oo Fariin soo dirtay Iyadoo u xidhan Kooxda Daacish

daajis.com:- “Magaceygu waa Kayla Mueller, waxaan u baahanahay caawintaada” ayaa caddeyn u noqotay in ay nooshashay Kayla oo u shaqeyneysay dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn, waxaana laga afduubtay iyada iyo saaxiibkeed 4-August 2013 magaalada Aleppo ee dalka Siiriya.

Kooxda Islaamiga ah ee ka talisa Siiriya iyo Ciraaq ayaa gacanta ku hayay Kayla Mueller, hase ahaatee waxaa bishii Febraayo 2015 kooxda Islaamiga ah sheegeen in ay ku dhimatay duqeyn ay fuliyeen diyaaraddaha dagaalka Jordan.

“Waxaan halkan joogay muddo aad u dheer, aad ayaana ugu xanuunsaday” ayey ku tiri muuqaal 10 ilbiriq soconayay, muuqaalkaasi oo FBI-da u gacan gelisay waalidkeed.


Aabaha dhalay gabadhaan oo lagu magacaabo Carl Mueller iyo hooyadeed Marsha ayaa sheegay in muuqaalkaan gabadhooda yahay, taasoo ay ku xaqiiqsadeen in ay nooshay gabadhooda, muuqaalka gabadhooda usii gudbiyeen hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn si gacan loogu geysto sii deynta gabadhooda.

Waa muuqaalkii ugu horeeyay ee kooxda khilaafada Islaamiga ISIS kasoo duubeen la hayste reer galbeed ah si ay malaayiin dollar ugu helaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada