daajis.com:- Maamulka Galmudug ayaa ka Jawaabay go’aankii maamulka Puntland kasoo baxay, Kaasi oo lagu sheegay in la Joojiyey Gaadiidka ka yimaada Koonfurta Soomaaliya iyo deegaanada maamulka Galmudug.
Galmudug ayaa sheegtay in Ficilka Puntland ay samaysay uu yahay mid ka Dari doona, Waxayan waydiiyeen Cida u sheegtay in dadka wax dila ay ka yimaadeen Koonfur oo keliya ? Waxayna sheegtay Galmudug in Puntland ay arki doonto Xanaanka go’aanka ay qaateen.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Sax tahay in la Baadho gaadiidka, Laakiin aan Cunsuriyad la adeegsan, Wuxuuna sheegay inaan Ganacsiga la Xumayn, Hadiise Puntland ay ku adkaysato go’aankaasi ayna mahadin doonin, Waxayna sheegeen inay tahay mid u daran Puntland, Taasi oo keeni doonta in la Joojiyo Xoolaha laga dhoofiyo Boosaaso iyo Badeecadaha shacabka Gobolada dhexe ay kala soo degaan.
“Qofka wax qarxinayaa wuxuu ka imaan karaa meesha uu doono, Gal-gala ayay hada ku Jiraan, Maxaa Khasbaya In ganacsiga dhibaato loo gaysto oo dadka Soomaaliyeed oo kala Takoorayaa, Puntland ma Mahadin doonto, Waxa la kala xidhayo waxay keenaysaa in la yidhaahdo Maalinta Danbe Fiiso Keen hadii aad tahay Reer-Hebel” Ayuu yidhi Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali (Socdaal)
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at