Daawso Sawirada:- Wasiirada iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maanta yeeshay Kulankoodii caadiga ahaa

Daawso Sawirada:- Wasiirada iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maanta yeeshay Kulankoodii caadiga ahaa

daajis.com:- Golaha wasiirada maamulka Jubbaland oo uu maanta shir Gudoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa looga hadlay qodobo kala duwan.

Wasiiraddii maanta ka qaybgalay shirka ayaa soo dhaweeyey sharci baarlamaanka Jubaland ka soo saarey dhulalka dowladdu ay leedahay ee dadka rayidka ah degan yihiin waxaana ay isku raaceen In la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka lahadla kahor inta aan lafulinin hindisaha baarlamaanku meel mariyey iyadoo Xukuumadu ay sida ugu dhaw u samayn doonto gudigaas oo shaqadooda u guda gali doona kahor kulanka soo socda ee Xukuumada.

Qodobada kale ee shirka looga hadley ayaa waxaa kamid ahaa, Wasaaradda Maaliyadda oo soo gudbisey miisaaniyadda 19ka wasaaradood iyo hay,adaha kale ee Dowladda, Miisaaniyadii Hore ee ay meel mariyeen Baarlamaanka ayay Wasaaradda ku dartay Wasaarado Cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood ee kamid ah Xukuumada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada