Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar taariikh madow ah ku tegay magaalada jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar taariikh madow ah ku tegay magaalada jigjiga

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ka degay  xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jigjiga.

Socdaalka madaxweynaha oo imaanaya toddobaad ka yar shirkii IGAD oo magaalada Addis uga qeyb galay ayaa ujeedkiisa lagu sheegay martiqaad uu ka helay madaxweynaha maamulkaasi Cabdi Maxamuud Cumar.xasan-diyaarad-gaaray.

Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo marti u noqda maamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo ay arrintaasina uga horeeyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo dhamaan madaxda maamulada Soomaalida oo dhan.
Itoobiya ayaa siyaasad ahaan dooneysay inay Soomaaliya la mid noqoto maamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana arirntan ay noqoneysaa taariikh madow oo uu galay madaxweyne Xasan Sheekh  xilli uu doonayo in dib loogu doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada