Xabsiyada Qaaradda Yurub oo Noqday Goobo ay Dhalinyarada Xagjirnimada ku Bartaan (VIDEO)

Xabsiyada Qaaradda Yurub oo Noqday Goobo ay Dhalinyarada Xagjirnimada ku Bartaan (VIDEO)

daajis.com:-   Xabsiyada ku yaal dalal kamid ah qaaradda Yurub ayaa la sheegay inay noqdeen goobo dhalinyarada ay ku bartaan xagjirnimada, siiba dhalinyarada loo soo xiro tuuganimada yar-yar ayaa u badan dhalinyarada la badalo maskaxdooda.

Dhalinyaradan ayaa waxaa la sheegay inay isku meel ku xiranyihiin rag u xiran inay xiriir la leeyihiin ururrada argagixisada ah. taasina ayaa keentay in dhalinyarada badanaa qaaradda Yurub falalka argagixiso ka geystay ay yihiin kuwo markoodii hore loo xiray tuuganimo yar, kadibna maskaxdooda lagu bedelay xabsiga dhexdiisa.


Xabsiyada ku yaala dalka Faransiiska ayaa ah kuwa ugu badan ee lagu dhaqan rogo dhalinyarada asal ahaanta ka soo jeeda dalalka Carabta iyo kuwa muslinka ahba.

Dhalinyarada ku xiran Xabsiyada Dalka Faransiiska ayaa la sheegayaa inay u badan  yihiin boqolkiiba todobaatan 70% muslimiin, ayna ka soo jeedaan qoysas ku nool goobaha Ghetto-ga ah ee dalka Faransiiska.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada