Muuqaal: Air Jabuuti oo 14 sano kadib bilowday duulimaad madaxwayne Geele oo hadlay & Tartan ay la gelayso Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines

Muuqaal: Air Jabuuti oo 14 sano kadib bilowday duulimaad madaxwayne Geele oo hadlay & Tartan ay la gelayso Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines

daajis.com:- Shirkadda Diyaaradaha ee Air Jabuuti oo la aas aasay sanadkii 1963, ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda rakaabka, kadib markii diyaarada ay shaqadeeda joojisay sanadkii 2002.

Sanadkii 2015 ayay aheyd markii diyaarada Air Jabuuti ay bilowday duulimaad dhinaca xamuulka, hase ahaatee waxaa ay sanadkan 2016 ay toos u bilaabi doontaa duulimaad rakaab ah.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xariga ka jaray xaflada furitaanka ee diyaarada oo dib loo casriyeeyay, waxaana nooca diyaarada ee rakaabka ay tahay Boeing 737-400.


Shirkadda Air Jabuuti ayaa duulimaadkeeda ku bilaabi doonta Dubai, London iyo Paris, waxaa ay dhamaadka sanadkan ay duulimaad toos ku tagi doontaa magaalada Mombay ee dalka India,  waxayna  Shirkadu tartan la geli doonta shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines oo ah labada shirkad ee ugu weyn Geeska Afrika.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada