Muuqaal: Moh Farah oo dhigay Taariikh cusub kuna guulaystay 5000m

Muuqaal: Moh Farah oo dhigay Taariikh cusub kuna guulaystay 5000m

daajis.com:- Mo Farah ayaa markii labaad ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 5000m, kadib markii uu u orday, Wuxuu loolan kala kulmayay orodyahano u kala dhashay Kenya, Itoobiya iyo Bahreyn oo todobaadkii hore si aad ah ula xafiiltamayay is reeb reebkii 5-ta kun ee mitir.

Orodyahankan asalkiisa yahay Soomaali, balse heysta dhalashada Britain ayaa todobaad ka hor ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 10,000 mitir.

Waa biladii labaad oo dahab ah oo Mo Farah ku guuleysto tartanka ciyaaraha Olimbikada ee sanadkan 2016.


Mo Farah ayaa horay ugu guuleystay biladaha dahabka ee orodka 10,000 iyo 5,000 mitir tartankii ciyaaraha Olimbikada ee lagu qabtay London sanadkii 2012.

Si kastaba ha ahaatee Mo Farah ayaa muujiyay inuu wali yahay ninka heysta orodka 10-kun illaa 5-kun ee mitir, inkastoo todobaadkii la soo dhaafay is reeb reebkii 5,000 mitir uu galay kaalinta saddexaad.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada