daajis.com:- Heesaaga caanka ah ee Chris Brown ayaa waxaa gurigiisa soo gaaray boolis badan kadib markii gabar gurigiisa ku sugnayd ay wacday booliska sheegtayna in Chris Brown uu bistoolad dhafoorka ka saaray.
Booliska ayaa si deg-deg ah ku soo gaaray guriga uu deganyahay heesaaga, laakiin Chris Brown ayaa diiday in uu ka soo baxo gurigiisa waxa uuna booliska sugayay ilaa 11 saacadood.
Heesaaga ayaa intii uu gurigiisa ku xirnaa, muuqaal video’ah soo dhigay barta Internet-ka sheegayna inuusan guriga ka soo baxaynini, waxyaabaha lagu eedeynayana uusan suubin.
Gabadhan iyo gabdho kale ayaa la sheegay inay ku caweynayeen guriga Chris Brown, waxaana la sheegay inay markii danbe is qabteen gabadhan iyo Heesaaga Chris Brown.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at