daajis.com:- Kollonyo gaadiid ah ay wateen ciidanka Amisom gaar ahaan kuwooda ka socda Dalka Kenya ayaa lasoo sheegayaa in Qaraxyo lagu weeraray maanta xilli ay marayeen Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Magaalada Mandhera iyo Beled xaawo meel udhaxeysa ayaa gaadiidkaasi lagu weeraray labo qarax oo la sheegay inay ahaayeen miinooyin dhulka lagu aasay.
Waxaa yar in la ogaado khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee gaaray ciidanka Kenya waxaase la sheegay in dhiig meesha la qarxiyey lagu Arkay.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidan booliska Kenya katirsan oo ka yimid dhinaca Mandhera ay howlgal qaraxyada kadib halkaasika sameeyeen walaw dad ay soo qabteen la sheegin.
Taliska Ciidanka Kenya ayaan looga baran inay ka hadlaan khasaaraha soo gaara waxaana weli jirin cid sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at