Dacwadda Badda Kenya iyo Soomaaliya oo Maanta la soo Gaba-gabeeyay & Soomaaliya oo maanta la Dhagaystay

Dacwadda Badda Kenya iyo Soomaaliya oo Maanta la soo Gaba-gabeeyay & Soomaaliya oo maanta la Dhagaystay

daajis.com:- Waxaa maanta xarunta Maxkamada caalamiga ah ee ICG ee magaalada Hague lagu soo gaba-gabeeyay dhageysiga ku saabsan dacwadda badda ee u dhaxaysa dowladda Kenya iyo Somaaliya.

Dhagaysigan ayaa khuseeyay oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya, oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan kala dhaxeeya Soomaaliya.

Kenya ayaa waxa ay sheeganaysaa lahaanshaha dhul badeed baleciisu uu gaarayo 142 KM2, oo u dhiganta balac ahaan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Maanta ayaa Soomaaliya waxay mar kale ku gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiskii Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa heshiiskaas.

Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka sidaas darteedna aan loo baahneyn dacwadan in maxkamad la keeno.

Qareenada Soomaaliya ayaa haseyeeshee diiday doodaas waxayna xasuusiyeen qareenada Kenya in heshiiskaasi uusan meesha ka saari karin xaquuqda ay Soomaaliya u leedahay inay caddaalad ka raadsato maxkamadda.

Hadii la raaco qaabka ay Kenya rabto ayaa Soomaaliya waxay sheegtay inay qaadan karto ku dhawaad 20 sano, labada dalna ay dani ugu jirto in si dhakhse leh in loo kala baxo.

Go’aanka maxkamadda ayaa noqon doona mid kama dambeys ah, oo ay tahay in labada dal ay u hoggaansamaan.

Maxkamada ICJ ayaa sadex bilood gudaheed soo saari doonta go’aan kama dambeys ee ay ka qaadan doonto dhagaysiga labada dhinac.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada