DHEGEYSO:Dagaalkii Gaalkacayo oo Galmudug lagaga Aaro Goostay Diyaarado Dagaal+Puntland oo Siyaasada Culus isticmaashay..

DHEGEYSO:Dagaalkii Gaalkacayo oo Galmudug lagaga Aaro Goostay Diyaarado Dagaal+Puntland oo Siyaasada Culus isticmaashay..

daajis.com:-  Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqayn ay gaysteen diyaarado aan haybtooda la garanayn ay xalay ka dhacday bariga gobolkaasi.



Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in duqaynta ay gaysteen diyaaradaha ciidamada Maraykanka, kuwaasi oo ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada Galmudug.



Wasiirka Amniga ee Galmudug Cusmaan Ciise Nuur “Taar-Dhuleed” ayaa VOA u sheegay in 22 ciidankooda ka tirsan ay ku dhinteen weerarkaasi.


Warar laga helay ilo kale oo madaxbannaan ayaa sheegay inay tiriyeen maydadka 14 askari iyo 11 kale oo weerarka ku dhaawacmay.



Dawladda Maryakanka ayaan weli ka hadlin duqayntaasi.



Galmudug ayaa sheegtay in diyaaradaha duqaynta gaystay la siiyey xog qalad ah, waxayna ku eedeeyeen maamul goboleedka Puntland inay xogtaasi bixiyeen.



Weriyahayaga Jaamc Buulle Jaamac oo Washington jooga ayaa weerarkan ka waraystay Wasiirka Amniga ee Galmudug Cusmana Ciise Nuur “Taar-Dhuleed”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada