daajis.com:- Saraakiisha Maraykanka ee geeska Africa ayaa kulan degdeg ah isugu yimid, kaasi oo ay kaga arrinsanayaa qalad weyn oo ay sameeyeen diyaaradahooda iyagoo aaminaya ciidanka PS-ta Puntland.
Maraykanka ayaa aad uga walaacsan duqeyn ay ku laayeen ciidan ka tirsan Galmudug iyo sidoo kale dad shacab ah, taasi oo naxdin iyo qaracan u keentay USA.
Saraakiishan ayaa hadda dib ugu laabanaya macluumaadkii xalay ay soo gudbiyeen saraakiisha Puntland ee ahayd in rag ka tirsan Al-shababa isku abaabulayaan bariga gobolka Mudug.
Xaaladda hadda meel sare ayeey gaartay, waxaana Mareykanka uu ka fiirsanayaa kalsooni sii siinta Puntland, maadaama howlgalkii argagaxisada ay si qaldan u adeegsatay.
Saraakiil Puntland ah ayaa sidoo kale looga wacay xarun Mareykanka ciidankiisa ku leeyihiin magaalada Boosaaso, waxaana hadda jirta arrin aad u cakiran.
Weerarkaan ayaa ah mid aad iyo aad loo hadal hayo, waxaana Puntland ay ku noqon doontaa marxalad cusub iyadoo wejiyo kasii jeeday isku soo jeedisay.
Arrinta kale ee ugu sii daran ayaa ah in weli Puntland ay ku adkeysaneyso iney laayeen askar ka tirsan Al-shabaab, waxaana sidaa sheegaya mas’uuliyiintooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 04:30 and have

