Cadaawada u dhexeysa maamulada Puntland iyo Galmudug oo gaartay meeshii ugu sareysay

Cadaawada u dhexeysa maamulada Puntland iyo Galmudug oo gaartay meeshii ugu sareysay

daajis.com:- Cadaawada u dhexeysa maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay kadib markii xalay ay ciidamo Maraykan ah iyo ciidamo ka tirsan Kumaandoosta Puntland ee PS ay weerareen saldhig ay ciidamo Galmudug ay  ku lahaayeen deegaanka Jeexdin duleedka magaalada Gaalkacyo.

Duqeyn loo geystey saldhigan ayaa waxaa qasaare ka soo gaartay gaadiid dagaal iyo ciidamo saldhigaas ku sugnaa sida ay xaqiijiyeen maamulka Galmudug.

Hase yeeshee Isuduwaha wasaaradda warfaafinta Puntland Cabdinaasir Badal Qalaf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Degaanka Jeexdin ay ku dileen dagaalyahanol badan islamarkaan howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Mareykan ah.

Cabdinaasir Badal Qalaf ayaa sheegay in ay heleen Xog ku aadan Abaabul ay Al-shabaab ku soo qaadi lahaayeen Ciidamada Puntland islamarkaana sidaa looga hortagay.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weerarkan ay ku dhinteen 13 askari oo ka tirsan ciidamada Galmudug waxaana meydadka ciidamadan lagu aasay maanta magaalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in carro xoogan ay ka dhalatay dhacdadan iyadoo lagu eedeynayo maamulka Puntland inuu ka dambeeyay qorshe loogaga dhaadhiciyay sirdoonka Maraykanka in saldhigaa ay joogaan dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.
Xiisada u dhexeysa labada maamul ayaa heerar kala duwan soo martay kuwaasoo isugu jira mid dhinaca warbaahinta iyo gacan ka hadalba. Magaalada Gaalkacyo ayaa labo dhinac u kala qeybsan waxana labada dhinac kala maamula maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada