daajis.com:- Sarah Macarthur-King, ayaa maqaal aad u dheer ka qortay Haweenka kujira Siyaasada iyo kuwa hada u hanqal taagaya.
Sarah ayaa diirada saartay, in dumarka kujira Siyaasada marka ay xaalada adag kujiraan, sida marka uu dhiiga Caadada u joogo, ay gaaraan go’aano qaldan oo aan u wanaagsaneen bulshada ay markaas xilka u haayaan.
Sarah Macarthur-King, waxeey maqaalkeeda ku xustay in iyadu ay tahay Haween, sidaas darteedna ay dareemi karto marka Haweeneyda ay xaamilada tahay ama walaca ineey go’aano qaldan gaarto.
Maqaalka ay qortay gabadhaan u dhalatay dalka Australia, ayaa dood xoogan ka dhex abuurtay Haweenka dalkaas, waxeeyna la kulantay dhaleeceeyno xoogan oo kaga yimid haweenka siyaasada ee dalkaas.
Sarah, ayaa Maqaalkeeda Haweenka siyaasada kujira kula talisay marka uu dhiiga u joogo ama xaalad kale oo adag ay kujiraan aysan qaadan go’aan masiiri ah, loona baahanyahay ineey dib u dhigtaan.
Maqaalka ay Sarah qortay oo ay soo dhigtay barteeda Facebooka, ayay dib uga saartay, kadib markii ay la kulantay dhaleeceeymo iyo aflagaadooyin xoogan, kuwaasoo ay u dulqaadan weyday.
Laakiin maqaalkeeda oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail, ayay Sarah si aad ah ugu difaacday, waxeeyna ku adkeeysatay ineey taabatay xaqiiq loo baahanyahay in la sheego.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at