daajis.com:- Ururka Al-shabaab ayaa baahiyay cod laga duubay ninkii fuliyey weerarkii lagu qaaday shalay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Ninkan weerarka fuliyay ayaa waxay magaciisa ku sheegeen Jaabir C/llaahi Diiriye oo 44 jir ahaa, kuna dhashay degaanka Buusaar ee gobolka Gedo, waxayna Al-Shabaab sheegtay inuu ka soo jeedo Beesha Mareexaan.
Jaabir C/llaahi Diiriye ayaa codka laga duubay ku sheegay in fulinta weerarkiisa uu Alle ugu dhowaanayo uuna naftiisa u hurayo leynta wax uu u ku tilmaamay cadowga Alle.

Ninkan oo waday gaarigii xamuulka ahaa ee waxyaabaha qarxa lagu soo buuxiyay ayaa xoog ku soo jiiray goob ciidamada dowladu gaadiidka ku baaraan oo ku taalla agagaarka isgoyska Sayidka, wuxuuna gaariga uu watay ku dhuftay xeynaabka hotelka SYL oo ku dhow xarunta madaxtooyada.
Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku geeriyootay weerarkii ka dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, dadkani geeriyooday ayaa u badnaa dad shacab ah oo nolol maalmoodkood raadsanayay, iyadoo dad ilaa 50 gaarayana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
DHAGAYSO
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:20 and have
, Published at