daajis.com:- Isbedelka Garoonka Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid kusii tilaabsanaya horumar dhinacyo badan leh, waxaana garoonka maalin walba soo gaara Diyaarado badan oo isugu jira kuwa waa weyn iyo kuwa yar yar.
Mashquul aad u badan ayaa xagaagan laga dareemaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay soo gaarayaan diyaarado waaweyn oo sida qurba joog dalkooda u soo dalxiis tegay, waxaana garoonka gudihiisa laga sameeyay dhismooyin badan oo kor u qaaday bilicda uu garoonkaasi yeelanayo.
Diyaaradaha Caalamiga ah sida, Diyaarada Turkish Airweys ayaa garoonka kasoo degta isbuucii labo jeer, iyadoo rakaabka kasoo qaada Wadamo badan oo Caalamka ku yaala, waxaana garoonka hada u muuqda mid hormar badan kusii talaabaya.



Amaanka garoonka Diyaaradaha ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana garoonka ka howlgala ciidamo si gaar ah loo tababaray iyo eeyo loo tababaray inay uriyaan Qaraxyada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at