daajis.com:- Sida aan wararka ku heleyno xiisad ayaa weli ka dhextaagan ganacsatadada waaweyn iyo kuwa yar yar ee Suuqaasi xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku ganacsato.
Wararka ayaa sheegaya in aan weli heshiis laga gaaran is maandhaafka ka taagan suuqaasi uuna maalintii labaad suuqa weyn ee Islii yahay mid xiran, islamarkaana aan jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah oo ay sameeyeen ganacsatada waaweyn ee suuqaasi.
Ganacsatadda kale ee suuqa ayaa ganacsigoodii watay, waxaaa ganacsatadasi ay u badnaayeen kuwa yar yar ee loo yaqaan waratada, iyagoo wadooyinka suuqa ee la maro soo tuunshay agabkoodii kala duwanaa.
Ganacsatada waaweyn ayaa waxa ay ka cabanayaan dadka warata ah oo albaabada xarumahooda gamacsiga iyo jidadka suuqa ku soo badanaya oo aan laga qaadin wax canshuur ah.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at