MUUQAAL: War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii Madasha & Khudbad uu jeediyey Madaxwayne XASAN Sheekh (Daawo)

MUUQAAL: War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii Madasha & Khudbad uu jeediyey Madaxwayne XASAN Sheekh (Daawo)

daajis.com:- Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Mudadii shirka uu socday ayaa Madaxda Madasha waxay ku kala aragti duwanaayeen qodobo dhowr ah oo ay ugu weyneyd arrinta Aqalka sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka soo xiray, isagoo ka warbixiyay mudadii uu socday shirka iyo go’aanada la gaaray.


Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu magacaabay Guddi Amni oo uu Madaxweynaha Guddoomiye u yahay.

Waxaa shirka goob joog ka ahaa Madaxda Maamulada Puntland, Koofur Galbeed, Jubbaland oo saaka dib ugu soo laabtay labadaba, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.

Munaasabada lagu soo bandhigayay war murtiyeedka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, Iyo Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.


War murtiyeedka oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxaafada u akhriyay Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada