Sheekh Shariif oo la kulmay Barakacayaal Curyaamiin ah

Sheekh Shariif oo la kulmay Barakacayaal Curyaamiin ah

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna murashax u taagan xilka Madaxtinimada dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay qaar ka mid ah barakacaaysha cuuryaamiinta ah ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo booqday hoygiisa magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa uga mahad celiyay booqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo u xaqiijiyayin ay xil gaar ah iska saari doonaan daryeelkooda marka uu ku guulaysto xilka M/weynaha dalka, inta ka horeysana uu si gaar ah ula socon doono daryeelkooda uuna u qaban doono intii karaankiisa ah.

Xubno u hadlay barakacaaysha cuuryaamiinta ah ee Muqdisho ayaa uga mahad celiyay M/weynihii hore sida uu u sharfay iyo kulanka uu la qaatay, iyaga oo ku ammaanay doorkii uu ku lahaa daryeelkooda xilligii uu xafiiska joogay, iyaga oo u caddeeyey in maalintii uu xafiiska tagay ilaa maanta oo afar sano la eg aysan helin cid la hadasha oo kaalmaysa.
Ugu dambeyntiina waxay odoyaasha cuuryaamiinta ah ee barakacaaysha Muqdisho ay ugu duceeyeen M/weyne Shariif inuu ilaahay ku guuleeyo xilka uu u tartamayo, islamarkaana waxay ugu baaqeen in uu amniga, cadaaladda iyo adeeggii dowladnimo ee la waayay uu dib u soo celiyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada