VIDEO:- Sheeko Jaceyl Xanuun Badan oo lagu soo bandhigey Goos Gooska Filimka Ae Dil Hai Mushkil

VIDEO:- Sheeko Jaceyl Xanuun Badan oo lagu soo bandhigey Goos Gooska Filimka Ae Dil Hai Mushkil

daajis.com:- Director Karan Johar ayaa si rasmi ah usoo bandhigay goos gooska dhameestiran ee filimkiisa jaceylka ah Ae Dil Hai Mushkil.

Ae Dil Hai Mushkil waa filim jaceyl oo sheeko xanuun badan xambaarsan kana hadlaayo xiriirka ka dhaxeeyo 4-qof oo dabci ahan kala duwan saaxiibo ah, qalbiga iska dhaawacayaan iyo jaceyl kala duwan qaadanayaan sida uu waqtiga u kala duwan yahay.

Filimka Ae Dil Hai Mushkil waa filim ka hadlaayo nolosha safarka dheer ay ugu jiraan Ayan (Ranbir Kapoor), Alizeh (Anushka Sharama) iyo Saba (Aishwarya Rai Bachchan).

Waxaana goos gooska diirada lagu saaray xiriirka qiirada badan ee filimka Ae Dil Hai Mushkil weliba Karan Johar wuxuu ku dadaalay inuu qof walbo qalbigiisa dhex dago marka goos gooska la daawado.

Filimka Ae Dil Hai Mushkil waxaa daafaha caalamka laga daawan doonaa 28 October 2016 waxayna isku dhici doonaan filimka Shivaay ee Ajay Devgn hogaamiyaha ka yahay.
Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Ae Dil Hai Mushkil kadib fikirkaaga hoos noogu reeb:


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada