Puntland oo ugu danbeyntii ku fashilantay go’aankii ay dhawaan qaadatay

Puntland oo ugu danbeyntii ku fashilantay go’aankii ay dhawaan qaadatay


daajis.com:- Iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu shaaca ka qaaday xanibaad lagu soo rogay Gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia, ayaa waxaa arrintaasi mar kale Saxaafada kala hadlay maamulka.

C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay dib uga laabteen go’aankii ay xanibaada ku saaren Gaadiidka taasi oo aheyd in Deegaanada Puntland aysan soo geli karin Gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia.

Camey waxa uu sheegay in maamulka uu dib uga laabtay go’aankaasi waxa uuna sheegay inay heleen cabashooyin dhowr ah.

Waxa uu intaa ku daray Camey in maamulka uu garwaaqsaday dhibaato aan la fileynin go’aankii hore oo iminka dhashay, sidaa darteedna ay dib u fasaxeen gaadiidkaasi ku xanibnaa xuduudka.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay ku qasbanaanayaan inay sugaan amniga maadaama xanibaada gaadiidkaasi aysan suuragal aheyn.
Haddalka Camey ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Puntland ay qaadatay go’aan ugu danbeyntiisa ay maanta ka laabteen kaasi oo lagu xanibaayay gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada