Daawo Sawirada:- Gabar Soomaaliyeed oo la gudoonsiiyay abaalmarinta Gold Star Awards 2016

Daawo Sawirada:- Gabar Soomaaliyeed oo la gudoonsiiyay abaalmarinta Gold Star Awards 2016

daajis.com:- Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Britain ayaa lagu abaalmariyey Abaalmarinta Gold Star Awards 2016, kadib, markii ay qaaday Olole lagu joojinayo Gudniinka Gabdhaha ee nooca FGM.

Sida uu daabacay wargeyska Theguardian, Gabadhaan oo lagu magacaabo Fahma Mohamed oo iyadoo 7 jir ah la geeyey Britain ayaa waxay dadaal u gashay sidii loo joojin lahaa in Gabdhaha ku nool Britain lagu sameeyo Fircooniga ee FGM.

Waxayna Jaamacadda Bristol University ka heshay Shahaadada Doctor of Laws.


Bilowgii sannadkii 2014-kii, waxay Fahma Mohamed ka codsaday Xoghayihii Waxbarashadda ee dalka Britain, Michael Gove si gabdhaha dhigta dhamaan Dugsiyadda looga badbaadiyo Gudniinka FGM.

In ka badan 250,000 oo qof ayaa saxiixay Codsigeeda muddo 3 isbuuc gudaheeda.

Dalka Britain waxaa ka mamnuuc ah Gudniinka FGM, inkastoo ay Waalidiinta qaarkooda ay carruurtooda u soo kaxeeyaan dalalka Masar, Somalia iyo Kenya si ay ugu sameeyaan Gudniinka FGM.

Halkaan ka daawo Sawiradeeda:



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada