daajis.com:- Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan ayaa waraysi uu bixiyey Wuxuu uga hadlay Halka uu ka Bilowday Xiisada kala dhaxaysa maamulka Puntland iyo Ciidamada uu Hogaaminayo sababta keentay.
C.samad Galan ayaa sheegay inay hada dhisteen Ciidamo ka Awood badan kuwa maamulka Puntland, ayna Awoodaan inay qabsadaan magaalada Boosaaso, Balse ay dhowrayaan inaan Dawladnimada meesha ka bixin, Wuxuuna ka warbixiyey Halka uu ka helo Dhaqaalaha Ciidanka iyo Raashinka ay Cunaan, Wuxuuna sheegay inay taageerada ay ka helaan Ganacsatada, Beeralayda, Reer Baadiyaha iyo Jaaliyadaha Qurbuhu ay badan tahay.
C.samad ayaa wuxuu sheegay in Gobolka Boosaaso ay gacantooda ku jirto, Wuxuuna sheegay in Dhamaan degmooyinka Gobolka ay gacanta ku hayaan, marka laga Reebo Boosaso.
Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay dagaalka magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna sheegay inaan Ciidankiisu ka qayb galin, dagaalkaasina uu yahay mid aan Soomaali mahadin doonin, Wuxuuna fariin gaar ah u diray dadka wada dhashay ee gobolka Mudug, Isagoo xusay inayna Jirin Beel Xoog ku qabsan karta beel kale, Soomaalina ay horay usoo Tijaabisay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:02 and have
, Published at