Doodii u Danbeysay ee ay Xalay Dhexmartay Musharaxiinta Hillary Clinton iyo Donald Trump (VIDEO)

Doodii u Danbeysay ee ay Xalay Dhexmartay Musharaxiinta Hillary Clinton iyo Donald Trump (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa xalay kulankoodii u danbeeyay wada yeeshay musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo ee dalka Maraykanka ee Hillary Clinton iyo Donald Trump.

Doodii xalay ayaa ahayd mid aad u kulul iyadoo musharaxa Donald Trump uu marwalba haweeneeyda la tartamaysa ku eedeynayay wax walba oo dalka Maraykanka ka qaldan.


Donald Trump ayaa diiday ballanqaadida in uu aqbalayo natiijadda doorashada bisha soo socota ka dhici doonta Maraykanka, xilli uu dood kulul la yeeshay Hillary Clinton.

Mr Trump ayaa ku celiyay eedeyntiisa ahayd in nidaamka doorashada looga shubtay, waxaana uu sheegay in uu arki doono sida ay wax u dhacaan.

Musharaxadda Hillary Clinton ayaa sheegtay in ay ka argagaxday in musharrax madaxtinimada Maraykanka ah uu feker noocaasi ah qabo, waxaana ay Trump ku eedeysay inuu hoos u dhigay dimuqraadiyadda Maraykanka.

Dooddii xalay ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee ay wada yeeshaan musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee dalka Maraykanka ka hor inta aanay codaynta dhicin.

Shacabka dalka Maraykanka ayaa 8 bisha november u dareeri doona goobaha lagu codeeyo, waxaana loo malaynayaa in codayntani ay si fudud ku guulaysan doonto musharaxadda Hillary Clinton.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada