daajis.com:- Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte ayaa talaatadii markale weeraray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama isagoo ku yiri “cadaabta tag.”
Duterte wuxu sheegay in Washington hub ka iibin diiday balse aysan taasi culays ku hayn maadaama ay diyaar ula yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
Wuxu sii raaciyey inuu bedelayo siyaasadiisa arrimaha dibada sababta oo ah Maraykanku wuxu ku guuldaraystay inuu gacan siiyo Filibiin.
Duterte wuxuu ku goodiyey inuu burburin doono xiriirka ka dhexeeya labada dal, ma cadayn talaabada uu qaadi doono.
“Hadii aadan doonayn inaad hub iga iibisid, waxaan aadayaa Ruushka. Waxaan u diray Ruushka Janaraalo waxayna noo sheegeen in aanan welwelin” ayuu yiri Duterte oo sii raaciyey inay Moosko u sheegtay inay hayso wax kasta oo uu rabo ayna siin doonto.

Wuxuu kaloo sheegay inuu Shiinuhu ku yiri “Kaalaya oo saxiixa keliya kadib wax kasta waa idiin keenaynaa.”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have
