daajis.com:- Socdaalkii uu dhowaan magaalada London ku tagay musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa
abuuray tuhun weyn, Waxaa aad loola yaabay kadib markii dowladda Britain ay Jabriil usoo dhoweysay una la dhaqantay sida madaxweyne oo kale, taasi oo muujisay in rajada Jabriil ay tahay mid ka sareysa sidii markii hore la mooday.
Kulan uu Jabriil la yeeshay Soomaalida London ayaa lagu arkay ragga loo yaqaan Secret Service ee suga amniga madaxda dunida, waxaana yaab noqotay sababta dowladda UK ay Jabriil ugu qoondeysay raggaas, maadaama uusan weli madaxweyne ahayn.
Si kastaba dadka qaar ayaa u fahmay inay u eg tahay in UK ay ogtahay in Jabriil noqon doono madaxweynaha xiga ee Soomaaliya, Waxaa sidoo kale jirta in xubin sare oo ka tirsan xisbiga talada Britain haya ee Conservativeka Richard Semitego uu boggiisa ku qorayey qoraallo uu aad ugu amaanayo Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Hase yeeshee qoraalka ugu muhiimsan ayaa ah mid uu ku yiri “Waxay ahayd farxad inaan soo dhoweyno Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ay u badan tahay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Soomaaliya”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at