daajis.com:- Iyadoo dalka Soomaaliya uu maalinba maalinta ka danbeysa uu si tartiib tartiib ah uu ugu soo noqonayo sidii lagu yaqaiinay bari samaadkii, ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay bilaawday in sanad walba dalka ay soo gaaraan Qurba joog fara badan oo ku nool dunida dacalaheeda iyagoo dadkani ay badankood dalka u imaanayaan sidii dalkooda ay ugu dalxiisi lahaayeen (Tourist).
Hadaba Wariye u shaqeeya laanta afka ingariiska ku hadasha ee Africa CCTV, ayaa waxa uu warbixin ka diyaariyay goobaha ay Soomaalida qurba joogta ah ay u dalxiiska tagaan, sida xeeebta Jasiira,Liido iyo goobo ka baxsan caasimadda Muqdisho sida tuulada Goobweyn oo ah goobta uu webiga Jubba uga darsamo badweynta Hindiya.
Dalka Soomaaliya ayaa barisamaadkii waxa uu ahaan jiray dal si aad ah loogu soo dalxiis tago, iyadoo markaasi dalka Soomaaliya aad ku safri kartay gees ka gees iyadoo aanay jirin cid isbaaro dhiganaysa iyo amni daro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:00 and have
