daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintiisii labaad booqasho shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyay kulamadii u la’lahaa Shacabka Baydhabo.
Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa uu la qaatey madaxda jaamacadaha, aqoonyannada, ardayda jaamacadaha, Ciidanka Qalabka Sida, ururrada haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, madaxda maamulka Koonfuur Galbeed iyo culumada diinta.
Madaxweynaha ayaa qeybahaasi u la kulmay uga warbixiyey hannaanka dhismaha Soomaaliyada cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo horumar dalku uu ku tallaabsado.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu qeybahani kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ugu baaqey inay gacan weyn ka geystaan dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo sal u ah dhismaha qaran Soomaaliyeed oo isku tashan kara.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Dowlada Goboleedka Koonfuur Galbeed oo uu ku ammaanay waxqabadkooda, dhanka kalena ka codsadey inay daah-furnaan ku shaqeeyaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib socdaal shaqo oo uu ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu ahaa dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa intii uu Baydhabo joogay waxaa uu kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada, maamulka, ciidammada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have
