Qaraxii Maanta ka Dhacay Nawaaxiga Sarta Saybiyaano ee Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Qaraxii Maanta ka Dhacay Nawaaxiga Sarta Saybiyaano ee Magaalada Muqdisho (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa maanta nawaaxiga sarta Saybiyaano oo u dhaxeysa Isbitaalka Banaadir iyo safaaradii Maraykanka ee magaalada Muqdisho, ka dhacay qarax Gaari miino lagu soo xiray.

Sida Wararka aan ku heleyno qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo uu lahaa Macalin Jaamacada Plasma wax ka dhiga oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Weli Baadi.

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhaawacantay qaraxan uu ku jiro macalinka gaarigiisa qaraxa loogu soo xiray, waxaana dhaawacyada qaar lasoo sheegayaa in ay aad u daran yihiin laguna daweenayo Isbutaalka Madiina ee degmeda Wadajir.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Degmada Hodan iyo Ciidamo katiirsan Dowlada ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, waxa ayna gurmad u sameeyeen dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

Wali lama oga sababta qaraxa loogu soo xiray macalinkan wax ka dhigayay Jaamacada Plasma, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada