daajis.com:- Wariye u dhashay dalka Holland oo lagu magacaabo Jeroen Oerlemans oo ahaa suxufi iyo sawir-qaade caan ah ayaa maalintii shalay 2-10-2016 lagu dilay magaalada Sirte ee dalka Liibiya.
Wariyahan ayaa ahaa sawir qaade u shaqeeya journaalo waaweyn oo ku yaala dalka Holland, wuxuuna warka kasoo tabinayey magaalada Sirte oo ay dagaalo ku dhexmarayaan xoogaga Daacish (ISIS) iyo ciidamada dowlada Liibiya.
Suxufigan ayaa la sheegay in uu la socday ciidamada Dowlada Liibiya, kadibna waxaa meel dheer ka soo toogtey dagaalyahanada ururka ISIS oo gacanta ku haya qeybo kamid ah magaalada Sirte.
Sawirqaadahan ayaa sanadkii 2012 waxaa lagu afduubtay waqooyiga wadanka Siiriya isagoo xiligaasi la socday suxufi kale oo u dhashay dalka ingariiska, waxaana afduub loo heystay muddo 10 maalmood ah kahor inta aysan soo siideyn xoogaga Mucaaradka ee dalka Suuriya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have
