Ciidamada Ciraaq oo gudaha u galay magaalada Mosul qabsadayna Telefeshinka..

Ciidamada Ciraaq oo gudaha u galay magaalada Mosul qabsadayna Telefeshinka..

daajis.com:- Ciidamada Ciraaq iyo xulufadooda ayaa si rasmi ah ula wareegay Xrauunta Telefeshinka Qaranka ee magaalada Mosul, xili ay daafaha magaalada dagaal qaraar kula galeen dagaalamayaasha Daacish.

Waxaa jiro isku dhac aad u xoog badnaa oo shalay illaa xalay oo dhan ka socday xaafadaha hareeraha magaalada Moosil ku yaalla.

Qaramada Midoobeey ayaa dhankeeda sheegeysa in daacish ay shacabka isugu geyneyso goobaha istaraatiijiga ah ee Moosil.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa 25 kun oo qof oo shacab ah u adeegsanaya sida difaac ama gabaad oo kale, sida uu sheegayo Ravina Shadasani, oo ah afhayeenka arrimaha xuquuqda aadanaha ee UN.


Wariyaal Kurdish ah iyo kuwo ka socday warbaahinta caalamiga ah oo la socda dabbaabaadka ciidamada isbaheysiga ayaa sheegay in ay la kulmeen qaraxyo iyo miinooyin ay magaalada ku aaseen kooxda Daacish, taasoo gaabis ka dhigeyso in magaalada ay toos ugu gacan gasho Ciidamada Ciraaq.
Ciidamada Ciraq waxa kale oo ay sheegeen in ay ciidamo huwan ah ay magaalada kaga soo beeganyihiin dhanka waqooyi bari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada