Hub Xoogan oo Maanta Lagu Weeraray Deegaanka Qandala oo ay Dhawaan La Wareegeen Daacishta Soomaaliya (VIDEO)

Hub Xoogan oo Maanta Lagu Weeraray Deegaanka Qandala oo ay Dhawaan La Wareegeen Daacishta Soomaaliya (VIDEO)

daajis.com:-Waxaa soo baxaya Warar Sheegay in maanta weerrar xoogan oo madaafic ah lagu qaaday, fariisimaha ay dagaalyahanada Daacish ka suubsadeen deegaan Magagaalada Qadiimiga ah ee Qabdala.

Duqeyn xoogan ayaa maanta ka dhacday degmada Qandala ee gobolka Bari oo dhowaan ay qabsadeen kooxda Daacish Somalia ee uu hogaamiyo wadaadka lagu magacaabo Shiikh C/qaadir Muumin.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay u dhacday duqeyntan, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in duqeynta loo adeegsaday madaafiic laga soo riday maraakiib dagaal oo fadhida xeebta Qandala, halka warar kalena ay xusayaan in dayuurado dagaal oo ka soo kacay maraakiib milateri ay fuliyeen.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah oo ka dhashay duqeyntan oo aheyd mid aad u xoog badan, iyadoo inta badan shacabkii ku noolaa degmada Qandala ay halkaas ka barakaceen maalmihii l soo dhaafay.

Dhinaca kale ciidamo xoog leh oo ka tirsan maamulka Puntland, kuna hubeysan gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah ayaa la sheegay iney gaareen meel ku dhow magaalada Qandalla.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada