Cumar C/rashiid “Dib u eegis ayaa lagu Sameynayaa Nidaamka FEDERAALKA Haduu xabad iyo dhib keenayo (Maqal)

Cumar C/rashiid “Dib u eegis ayaa lagu Sameynayaa Nidaamka FEDERAALKA Haduu xabad iyo dhib keenayo (Maqal)

daajis.com:- Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono nidaamka Federaalka Federaalka, hadii ay la xiriirto colaada ku soo laabaneysa magaalada Gaalkacyo oo ay labadeeda qeyb ka kala taliyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Cumar C/rashiid oo shalay ka hadlayay kulankii is afgaradka ahaa ee dhex maray Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in aan loo baahneyn colaad dambe iyo xabad kale oo ka dhacda Gaalkacyo.

“Sideedaba waxaa is dhaheynay nidaamka Federaalka dadka waa ku dagayaa, laakiin hadii Federaalka uu xabad iyo dhib keenayo inaan iyada dib u fiirino waaye”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisu dhamaaday ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay xakameeyaan ciidankooda, isla markaana aanay jirin ciidan saddexaad oo ku sugan magaalada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada