daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shaqada ka eryay xubno muhiim oo aad ugu dhowaa, kuwaasoo ay ku jiraan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyada Xukuumadda Itoobiya.
Is bedelkan ayaa ah mid loogu tala galay in wax looga qabto cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha, kuwaasoo dhigaya dibad baxyo ay ku diidan yihiin dowladda.
Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibedda.
Isku shaandheynta Xukuumadda ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah, waxaana muddo sanad ku dhow ka socda qeybo ka mid ah dalka Itoobiya banaan baxyo ka dhan ah dowladda, kaasoo ay dhigayaan labada qowmiyadood ee ugu ballaaran Itoobiya
Xil ka qaadista Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaan aheyn mid layaab ah, maadaama horay loogu ansixiyay inuu u tartamo Jagada madaxa Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Waxaa lagu bedelay Tedros Adhanom Hoggaamiye kuxigeenka Ururka Dimoqraadiga Oromada, kuwaasoo qeyb ka ah isbaheysiga talada haya.
Xubno kale oo muhiim ah ayaa laga yaabaa in is bedel lagu sameeyo, si looga jawaabo dibad baxyada ay dhigayaan dadka Oromada iyo Amxaarada oo dowladda ku eedeynaya in laga gacan bidxeeyay adeegyadii iyo maamulkii dowliga, isla markaana isku koobeen koox yar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:59 and have
, Published at