daajis.com:- Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah Culimada Puntland, ayaa wuxuu ka hadlay Dilal Qorshaysan oo mudooyinkii Ugu danbeeyay kusoo batay magaalada Garoowe, Wuxuuna Xusay inay Bisha hada dhamaatay ay dhaceen ilaa AFAR dil, ayna qayb ka yihiin dadka gaystay Ciidamo.
Dhinaca kale Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inay magaalada kasoo baxay Wiilal iyo Gabadho u dhashay deegaanka, Kuwaasi oo Sida Budhcada u dhaqmaya, kuwaasi dadka Boobaya, Wuxuuna maamulka ugu baaqay inay wax ka qabtaan.
Ugu danbayntii Sheekha ayaa wuxu ka hadlay xaalada Colaadeed ee Gaalkacyo, Wuxuuna sheegay inuu dagaalkaasi yahay mid Xaaraan ah, Sidoo kalana Wuxuu Xusay Dad Boob ku haya SOOLARADA Magaalada Garoowe iyo Xaalada Abaaraha, Wuxuuna Bulshada ugu baaqay inay Alle usoo Noqdaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:36 and have
, Published at