MUUQAAL: Donald TRUMP oo Aqalka Cad ee Maraykanka gudaha u galay iyo wixii dhexmaray Barack Obama

MUUQAAL: Donald TRUMP oo Aqalka Cad ee Maraykanka gudaha u galay iyo wixii dhexmaray Barack Obama

daajis.com:- Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maraykanka Barack Obama ayaa Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha la doortay Donald Trump, Waxaana dhexmaray Kulan qaatay ku dhowaad 90 daqiiqo.


Kulanka kadib aMadaxweyne Obama oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay inuu wadahadal wanaagsan la yeeshay Mr Trump. Waxa uu sheegay in isaga iyo golihiisa wasiirrada ay ka shaqayn doonaan sidii xil wareejinta ay ugu fududaan lahayd Mr Trump iyo maamulkiisa, Wuxuu Xusay  inuu doonayo in Trump uu guulaysto, waxaana uu intaas ku daray in haddii Trump uu guulaysto ay ka dhigan tahay Maraykanka oo guulaystay.

Dhinaca kalena waxaa halkaasi ka hadlay Mr Trump oo sheegay in waqtiga ay kulmeen ay ka wada hadleen qodobo kala duwan oo iskugu jira kuwo adag iyo kaleba. Waxa uu sheegay in shirkaasi uu socon karay muddo dheer, isgaoo muujiyey inuu xiiso lahaa. Waxa uu sheegay inuusan horey ula kulmin Mr Obama balse uu ka filayo Obama talooyin mustaqbalka,  Wuxuuna ku tilmaamay  Obama inuu yahay nin wanaagsan.

Labada nin ayaa diiday inay wax su’aalo ah ka jawaabaan markii saxaafadda loo oggolaaday qolka ay ku shirayeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada