daajis.com:- Booliska dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay Muscab C/raxmaan Axmed Nuur oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa ninkii ka dambeeyay dilka laba gabdhood oo Somali ah, kuwaas oo Jimcihii lagu dilay gurigooda uu ku yaala Magaalada Ottawa.
Muscab C/raxmaan Axmed Nuur ayeey sheegeen Booliska inuu la dhashay gabdhaha uu dilay, balse ma aysan cadeyn Booliska ilaa hada sababta ka dambeysay dilka Gabdhahaasi.
Booliska ayaa sheegay in Muscab uu is adkeeyay markii ay qabanayeen kuna qabteen meel u dhow gurigooda oo uu dilka ka geystay waxaana ay intaa ku dareen in uu dhaawac yar soo gaaray lana dhigay isbitaal.
Muscab ayaa shalay oo Axad ahayd diiday in uu tago Maxkamadda, waxaana isaga oo ka maqan ay Maxkamadda ku xukuntay xeerarka 1aad iyo 2aad ee Dilka.
Labada Gabdhood ee Soomaalida ah ee Jimcihii la dilay, ayaa aas loogu sameeyay Magaalada Ottawa ee dalka Canada, iyadoo Soomaalida iyo muslimiinta ku nool magaaladaasi ay ka qaybgaleen aaska.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at