daajis.com:- Rashiid Diiriye Faarax Afhayeenka Jaaliyadda Khaatumo ee dala Imaaraadka Carabta ayaa kahadlay Kulamadii magaalada Adis-ababa ku dhexmaray Maamulada khaatumo iyo Somaliland, iyo Go’aanadii kasoo baxay, Isagoo taageeray Go’aanadaasi, Sidoo kalana wuxuu eedayn usoo Jeediyey Dadka kasoo Horjeestay, Isagoo sheegay in Qofka Xilka kasoo qabta Khaatumo Marka uu Xilka Baneeyo ama laga Qaado uu isku Badalo Mid wax Dhaliila.
Sidoo kale wuxuu kahadlay inay Nasiib darto tahay in dhinaca Somaliland Iyagoo Masiirkoodii ku Aaminay Faysal Cali Waraabe aysan ka daba Qaylin, Balse Khaatumo ay ka daba Qayliyeen Dr. Cali Ciise Cabdi iyo Madaxwaynaha khaatumo Cali Khaliif oo maanta lagu Tiriiyo Aqoonyahanada ugu Caansan Soomaaliya iyo Xubnihii kale ee Mataliyey.
Wuxuu sidoo kale ka hor yimid Xubnaha la baxay Jabhada Xoraynta, oo uu ka mid yahay Bashiir Maxamed Xirsi oo Horey Warbaahinta Eedayn uga soo jeedin Jiray Madaxda khaatumo isagoo ku eedeeynaya inay dagaal gelinayaan, Hadaba maxaa iska badalay maanta oo Wada-hadal Nabadeed Xalka lagu raadiyey.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:01 and have
, Published at