Halyeyga Chelsea Didier Drogba Oo Fal Tuugnimo Ah Oo Lagu Heysto- Muxuu Xaday Tolow??

Halyeyga Chelsea Didier Drogba Oo Fal Tuugnimo Ah Oo Lagu Heysto- Muxuu Xaday Tolow??

daajis.com:-Baaritaan lagu sameeyay hay’ad samofal oo uu leeyahay ciyaaryahankii hore ee kooxda Chelsea Didier Drogba ayaan wax caddaymo ah loogu helin in “musuqmaasuq ama wax is dabomarin ay ku kacday” balse waxaa la sheegay inay u badantahay in ay “marin habaabisay” dadkii deeqbixiyeyaasha ahaa.

Guddi Britain ka dhisan oo eedaymaha noocaas darsa ayaa baaritaan ay ku sameeyeen ” walaaca wayn ee laga muujiyay sida loo maamulo” hay’adda samofalka ee Drogba, eedaymahaas oo la soo jeediyay bishii afraad ee sanadkan.

Arrintani waxay dabo socotay ka dib markii wargayska Daily Mail uu ku waramay in lacagtii deeqda ahyayd ee hay’adda la siiyay oo gaaraysa 1.7 milyan oo gini ay Afrika ka gaartay £14,115 oo caawimaad ah.

Drogba oo 38 jir ah ayaa sheegay in uu wargayska ka raadsanayo magdhaw iyo raali galin.

Gudiga baaritaanka sameeyay oo adeegsaday awoodiisa si uu xaaladda u qiimeeyo ayaa sheegay in uu ku qancay in aan wax khalad ahi dhicin.
Gudigaasi waxaa kale oo uu ogaaday in lacagihii deeqda ahaa ee laga arruuriyay UK in aan isbitaallo ama rugo caafimaad lagu maalgalinin ee balse lagu hayo bxisaabaadyo bangi oo gaar loo leeyahay.

Warbixintii baaritaankaas laga qorayna waxaa lagu sheegay in ay ahayd in lacagahan gargaar loo isticmaalo ee aysan ahayn in ay shaqsiyaad hayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada