Haweenka Soomaaliyeed oo si Wanaagsan uga soo dhex Muuqday Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka (VIDEO)

Haweenka Soomaaliyeed oo si Wanaagsan uga soo dhex Muuqday Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka (VIDEO)

daajis.com:- Haweenka Soomaaliyeed ee ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si diiran uga soo muuqday munaasabaddii dhaarinta xildhibaanada ee lagu qabtay Xarunta School Polizio ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ahayd mid si wayn looga soo shaqeeyay ayay haweenku ka soo muuqdeen, iyadoo ay bilic wanaagsani ka muuqato


Xildhibaanada oo saf saf loo dhaarinaayay, ayaa waxaa markiiba loo yeeraayay 30 Xildhibaan, oo rag iyo dumarba isugu jira. Mararka qaarkoodse rag oo kaliya, ayaa lagu arkaayay miiska dhaarinta.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa Talaadadii dhaariyay 281 ka mid ah Xildhibaanada Aqalada Hoose iyo kan Sare.

Dhanka kale Xildhibaanada Aqalka Hoose ee illaa iyo hadda la doortay, ayaa 62 ka mid ah waxay yihiin haween, iyadoo tirada guud ee haweenka looga qoondeeyayna, ay u dhaxeyso 81 illaa 83 xubnood.
Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka Sare ee illaa iyo hadda la doortay 10 ka mid ah ayaa waxa ay yihiin dumar, kuwaas oo ka kala yimid shanta Maamul Goboleed ee uu hadda dalku leeyahay.

Inkastoo Maamul Goboleedyada qaarkood lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen qoondadii haweenka ee ahayd boqolkiiba soddon (30%), ayaa waxay hadana haweenku mahdinayan tiradooda faraha badan ee illaa iyo hadda la soo doortay.

Baarlamaankan oo noqonayo midkii 10-naad oo Soomaaliya ay yeelanayso, ayaa waxaa la leeyahay waxay dumarka Soomaaliyeed ka heleen tiradii ugu badneyd ee ay ebed ka heleen ka qayb qaadashada xukunka dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada