Kareena Kapoor Oo Ay Macquul Tahay Inay Qaliin Marto (C-section) Halka Ay Si Dabiici Ah U Dhali Laheyd

Kareena Kapoor Oo Ay Macquul Tahay Inay Qaliin Marto (C-section) Halka Ay Si Dabiici Ah U Dhali Laheyd

daajis.com:- Kareena Kapoor Khan waxaa la sheegay inay dooran doonto in qaliin lagu sameeyo (C-section) halka ay si dabiici ah u dhali laheyd waa warbixinada haatan qorayaan qaar ka mid ah wargesyada Hindiya.

Kareena Kapoor aabaheed Randhir Kapoor wuxuu hore u sheegay in gabadhiisa dhali doonto 20-ka bishan December oo ku beegan maalinta berito ah.

Balse haatan wargeska Femina ayaa qoray in Bebo ay qaliin door bidi doonto halkii ay caadi u dhali laheyd madaama la sheegay in ubadkeeda aad u weyn yahay sidoo kalena waqtigeeda dhameesatay.

Go’aanka ugu dambeeyo Kareena iyo seygeeda Saif Ali Khan ayaa yeelan doonaan balse dhaqaatiirta xidigtaan weli la tashi ayay wadaan wax walbana laguma deg degi doono.
Waxaa la xaqiijiyay in Kareena ay caafimaad qabo sidoo kalena ubadka caloosheeda ku jiro sidoo kalena caafimaad qabo balse laga cabsi qabo hadii dib u dhac kale ku imaado xiliga ay foosha caadiga qaban laheyd in qaliinka C-section la door bidi doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada