Mucaaradka ku go’doonsan Xalab oo xabad joojin dalbaday

Mucaaradka ku go’doonsan Xalab oo xabad joojin dalbaday

daajis.com:- Falaagada mucaaradka suuriya ee ku go'doonsan bariga magaalada xalab muddo shan maalmod ayaa codsaday in xabad joojin la sameeyo si dadka shacabka ah iyo kuwa daawaca ahba loo daad gureeyo.

Tobaneeyo kun oo qof ayaa waxaa ay ku hoos nolyihiin duqeeyn dhanka cirka ah iyaado ciidanka dowladdana ay dagaalka si wadaan.


Dhankakale, Qoraal wadajir ah ayey hoggaamiyayaasha Mareykanka, Britain, Faransiiska, jarmalka iyo dalal kale oo reer galbeed ah ku baaqeen xabad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasha Xalab.

Qoraalka ayey ku sheegeen inay jirto baahi degdeg ah oo lo qabo in gargaar la gaarsiiyo labo boqol oo kun oo rayid ah oo halkaais ku xaniban. 
Waxay dhaleeceeyeen dowladda Suuriya iyo Ruushka oo xulafo la leh.Waxay sheegeen inay arkayaan masiibo bani'aadamnimo ee halkaasi ka soo baxeyso iyo muuqaalada caruurta dhimaneysa ee qalbi jabka leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada