daajis.com:- Faysal cali waraabe oo kamid ah Xubnihii maamulka Somaliland uga qayb galay Wada-hadalkii dhexmaray Maamulada khaatumo iyo Somaliland, ayaa Waraysi uu siiyey Universal TV wuxuu uga hadlay Go’aanadii kasoo baxay Kulamadii ka dhacday magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.
Faysal oo wax laga waydiiyey in Ciidamada laga qaadi doono goobaha ay ku sugan yihiin, ayaa wuxuu sheegay in meelaha ay Joogaan ay Yihiin meelo ay Beelo isku dileen, Isagoona Tusaale usoo Qaatay Dharkayn-geenyo iyo Taleex, Hadii Xal laga gaadhana wuxuu sheegay in Fadhiisinkooda lagu soo celin doono, Waa siduu hadalka u dhigay.
Wuxuu ka hadlay Kulamo danbe oo la filayo inay dhacaan, isagoo sheegay inay dhankooda Jeclaayeen in gudaha lagu qabto, Balse dhinaca Khaatumo ay Codsadeen in lagu qabto dalka Debiisa, iyaguna ay ku Ixtiraameen.
Sidoo kalana Faysal Cali Waraabe ayaa wax laga waydiiyey Qaabka loo wada hadlayo iyo Arimo kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at