daajis.com:- Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa wax laga waydiiyey Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyo Baarlamaan ahaan Waxa uga Qorshaysan Joogitaanka AMISOM iyo Dhismaha Ciidanka Soomaaliya ayaa si la yaab leh u difaacay Ciidamada AMISOM.
“Ciidanka AMISOM hadii ay Dad dilaan, waxaa loola Macaamilayaa sida ciidankeena, Ogaan waxba looma dilin, Xamar waxay u joogaan Shaqo, Uma Joogaan inay dad Soomaaliyeed Dilaan, Dad ay wax yeeleen oo aan laga Mag-dhabin ma dhicin” ayuu yidhi Mahad.
Mar wax laga waydiiyey Dadkii dhowaan ay dileen AMISOM Shabeelada Hoose iyo Baabuurkii Dadka Shacabka ah ee Gaadhiga AMISOM uu Jiidhay ayuu uga Jawaabay. ” Maxaa loo buun-buuniyaa dadka ay laayeen AMISOM, kuwa ay Soomaalidu laayaan Lagama hadlee, Waa Arin Al-shabaab u Danaynaya, oo Caadi ka dhigaysa inay iyagu 40 Qof ku dileen Hotel Dayax, oo aan laga hadlin, Laakiin Nin UGANDA ka yimid Hadii uu Adhi-Carbeed Dar-daro idinka wada Qaylisiinaysa” Ayuu Hadalkiisa Raaciyey Gudoomiye ku xigeenka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at