Dagaalyahanno Shabaab ka Tirsan oo Lagu Tuhmayo Inay Weerar ku Qaadeen Bangi ku Yaala Magaalada Mandheera (VIDEO)

Dagaalyahanno Shabaab ka Tirsan oo Lagu Tuhmayo Inay Weerar ku Qaadeen Bangi ku Yaala Magaalada Mandheera (VIDEO)

daajis.com:- Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegayaa inay xalay weerar ku qaadeen Banki ku yaala magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Weerarka ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, markii Xoogaga Shabaab ay beegsadeen Bankiga lagu magacaabo Equity-Bank oo ku yaallo gudaha Magaalada Mandhera.

Booliska Mandheera ayaa sheegay in dagaalyahanadu ay dileen nin boolis ahaa oo ka tirsanaa ciidanka Booliska dalka Kenya oo waardiye ka hayay Bankiga la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, lamana oga in weerarkani ay geysteen kooxda Al-Shabaab ama tuugo doonaysay inay Bankiga dhacdo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Magaalada Mandera ayaa warbaahinta u sheegay in ay baarayaan in kooxaha weerarka soo qaaday ay dhaceen lacag iyo inkale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada