Dalka Gaambiya oo ka Bilaawday Barakac aad u Xoogan, Qalalaase Siyaasadeed kadib (VIDEO)

Dalka Gaambiya oo ka Bilaawday Barakac aad u Xoogan, Qalalaase Siyaasadeed kadib (VIDEO)

daajis.com:- Dadka dalxiisayaasha ah iyo Shacabka ku dhaqan Magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia, ayaa bilaabay inay isaga qaxaan guryahooda, iyadoo shacabku ay ka baqayan in lagu dul dagaalamo.

Dadka ka cararaya Magaalada Banjul, ayaa waxaa ugu badan dadkja shisheeyaha ah ee dalxiiska u joogay dalkaasi, waxaana maalintii shaly ahayd mashquul xoogani laga dareemay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Banjul.

Barakaca ka soconaya Caasimadda Gambia, ayaa waxaa sabab looga dhigay Madaxweyne Yahya Jammeh oo diiday in uu xilka wareejiyo iyo dalalka deriska oo ciidan soo dhoobay xadka ay la leeyihiin dalkaasi.

Dalalka Senegel iyo Nigeria, ayaa ciidamadoodu lagu arkayaa xuduuda. Senegel waxaa ay horey ugu hanjabtay in tallaabo ka qaadi doonto Gambia, haddii aanu Madaxweyne Yahya Jammeh aqbalin in doorashada looga guuleystay, uuna xilka wareejiyo.

Adama Barrow oo la sheegay inuu yahay ninka doorashada kaga guuleystay madaxweyne Yahya Jammeh, ayaa hadda ku sugan dalka Senegal. Senegal ayaa waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ka codsatay in ay meel mariyaan qaraar qeexaya in Wadamada Afrikada Galbeed (ECOWAS), ay tallaabo ka qaadi karaan Xukuumadda Banjul.

Madaxweyne Jammeh, ayaa weerar afka ah ku qaaday ECOWAS, iyadoo uu ku eedeeyay in ay doonayan fara-gelin ay ku sameeyan dalkiisa, balse waxaa uu ku goodiyay in Gambia ay is difaaci doonto hadii la soo weeraro.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada