Tareenkii Ugu Horeeyay ee ka soo Dhaqaajiyay Dalka Shiinaha oo soo Gaaray Magaalada London ee Dalka Ingariiska (VIDEO)

Tareenkii Ugu Horeeyay ee ka soo Dhaqaajiyay Dalka Shiinaha oo soo Gaaray Magaalada London ee Dalka Ingariiska (VIDEO)

daajis.com:- Dalka Shiinaha ayaa markii u horeysay ku guulaystay in Tareen nuuca xamuulka qaada ah oo ka soo dhaqaajiyay magaalada YIWU ee dalka Shiinaha uu si toos ah u soo gaaro magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Tareenkan ayaa ka baxay magaalada ganacsiga ee YIWU ee dalka Shiinaha waxana Tareenkani la sheegayaa inuu jidka kusoo jiray 18-maalmood, waxana uu dalka Ingiriiska geeyay alaabo kala duwan sida dhar iyo alaabta guryaha.

Warbaahinta dalka Ingiriiska iyo kuwa Shiinaha ayaa qoray in tareenkan uu noqday kii ugu horeeyay ee u kala socdaala labada wadan, waxa uuna socday masaafo dhan 11999, oo ku dhow (12 kun oo KM) waxa uuna sii maray Wadamo badan oo kuyaala Yurub bari iyo tan galbeed, sida kazagistan, Ruushka, Poland, Belarus, Jarmalka iyo Faransiiska.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada