daajis.com:- Warbixin cusub ayaa waxa ay shaaca ka qaaday tirada xildhibaanada haysta dhalashada dalalka kale ee ku jira baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee dhowaan la dhisay.
Warbixinta oo ay diyaarisay hay’adda dimqoraadiyadda iyo hufnaanta dowaldeed ee Soomaaliya dalacsiisa ee Wakiil ayaa lagu sheegay in 105 ka mid ah 275-ka xildhibaan ee baarlamanka Soomaaliya ama 38% ay haystaan dhalashada dalal kale.
Dalka ugu badan ee xildhibaanada Soomaaliya ay dhalashadiisa haystaan ayaa ah dalka Britian oo 29 xildhibaan oo baarlamanka Soomaaliya ku jira ay baasaboorkiisa haystaan.
Safiirka Britain ee Soomaaliya David Concor ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay in tani ay astaan u tahay sida uu u xooggan yahay xiriirka labada dal ee Britain iyo Soomaaliya, hase yeeshee waxaan shaki ku jirin in tani ay walaac ku abuuri doonto Soomaali badan.
Dalka Labaad ee kusoo xiga waa dalka Mareykanka oo 22 xildhibaan ay dhalashadiisa haystaan, waxaana soo saddexeeya dalka Kenya oo 10 xildhibaan ay dhalashadiisa haystaan.
Liiska oo dhameystiran hoos ka aqri
Tani waxay sare usii qaadi doontaa dooddii markii hore taagneyd ee ku saabsaneyd in Soomaaliya ay beddesho dastuurka oo aan loo ogolaan dadka haysta dhalashada dalalka kale inay waddanka xil ka qabtaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at